7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 28, 2023
Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo degmada Diinsoor u tagay dardargalinta dagaalka Al-shabaab
 

Sabti, October, 28, 2023 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareem oo ay wehlinayaan wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya iyo Wasiirka Qorshaynta Koonfur Galbeed ayaa maanta gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Ujeedka safarka masuuliyiintaan ay maanta ku tageen degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa la sheegay iney la xariirto dardar galinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee haatan ka socda deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Masuuliyiinta maanta gaartay degmada Diinsoor ayaa halkaasi kulamo kula qaatay Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada oo ay kala hadleen garab istaaga ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee iska kaashanaya howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa ka mid ah deegaanada haatan ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee gulufka ka dhanka Shabaab, iyadoo  howlgalka wajiga labaad ee Shabaab looga ciribtiraayo guud ahaan dalka uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh uga dhawaaqay degmada Diinsoor.