7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 27, 2023
Marwo Cabdi Bashiir: Waa ayaan darro in dowladdu igasoo dabo dirto warqad oo aysan doonayn inaan tartamo

Jimco, October, 27, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuriyadda Midowday ee Tanzania, Dr Tulia Ackson, ayaa lagu dhawaaqay in ay tahay Guddoomiyaha 31-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU).

Waxay ku guulaysatay doorasho ka dhacday magalada Luanda ee dalka Angola, iyadoo ay la tartamayeen saddex musharrax oo kale oo haween ah oo ay mid kamid ah tahay Marwo Cabdi Bashiir oo katirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Haweeneydan ayaa lagu doortay 57% codadka  hal wareeg oo codbixin ah. Boqolaal xildhibaan oo ka kala socda 130 Baarlamaan oo IPU ah ayaa u codeeyay doorashada.

Dhinaca kale, Marwo Cabdi Bashiir oo ka socotay Soomaaliya, kana qeyb gashay tartanka ayaa heshay 11 cod.  Waxay sheegtay in taageerayaasheedii ay u codeeyeen haweenayda guulaysatay. kaddib markii ay sheegtay in guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Aadan Madoobe uu soo saaray warqad uu ku sheegayo in Soomaaliya ka baxday tartanka doorashada IPU.

Marwo Cabdi Bashiir waxay sheegtay in aanay waxba kala soconin warqadda guddoomiyaha uu soo saaray, taasoo ay ku tilmaamay wax laga xumaado oo muujinaysa in aysan dowladda doonaynayn inay ka qeyb gasho tartanka.

Waxayse sheegtay in arrintaasi aysan niyad jebin oo ay ka qeyb gashay doorashada, ayna kuna qanacsan tahay natiijada ay ka heshay doorashada