7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 27, 2023
Guddoomiye Aadan Madoobe oo ugu baaqay qurbe-joogta Maraykanka in ay gacan ka siiyaan dowladda dagaalka Shabaab

Jimco, October, 27, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Mareykanka, isagoona uga warbixiyay xaaladda dalka.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Mareykanka uga warbixiyey howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab  ee ka socda degaanno ka tirsan dowlad goboleedyada.

Khudbadiisa ayuu ku sheegay doorka firfircoon ee qurbe-joogta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka ay ka qaadan karaan taageerada howlgallada ka dhanka ah Alshabaab oo ay dowladdu ka xoreysay deegaanno dhowr ah tan iyo markii ay howlgallada bilowdeen.

Wuxuu sheegay in horumarka laga gaaray dagaalka uu yahay mid muuqda maadaama ciidamada isku dhafka ah ee heer federaal, heer dowlad goboleed iyo mid deegaanba ay gacanta ku hayaan deegaannadii ay ka talinayeen AS.

Waxa uu sheegay in uu rajaynayo in guud ahaan deegaanada ay wali ku sugan yihiin Alshabaab in la xoreeyo si dadka deegaanku ay u helaan adeegyada aasaasiga ah ee dowladda.

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee abaabulan oo Al-shabaab ka saaray deegaanno badan tan iyo markii ay duulaanka ku qaadeen, isagoo ammaan u jeediyay askartii iyo ciidamadii deegaanka ee ka qeyb qaatay howlgallada.