7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 27, 2023
Wasiir Dhagawayne: Reer Sool way tageen, reer Awdalna waad ogtihiin guuxooda

Jimco, October, 27, 2023 (HOL) - Wasiirka Maalgashiga Somaliland Cabdi Cismaan Dhagawayne, ayaa sheegay in reer Sool ay Somaliland ka tageen reer Awdalna ay tabasho qabaan.

Wasiirka oo la sheegay in uu ka hadlayay xaflad meher ah, ayaa sheegay in beel gaar ahi ay madaxtinimada Somaliland isku kaayaysanayso, waxa uuna ku baaqay in beelaha darafyada wax loo ogolaado.

"Reer Sool way tageen oo waan ogahay, reer Awdalna waad ogtihiin guuxooda, anagu guuxa reer Awdal waanu la qabnaa, maanta dee idinka ayaaba ku kaayaysanaya oo cid aad wax u ogoshihiin ma jirto, waxan leeyahay beelaha darafyada hala ixtiraamo" ayuu yidhi Wasiir Dhagawayne.

Kadib markii la dhameeyay khilaafkii u dhexeeyay xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka, waxa heshiiskaa diiday 3 urur oo uu ku jiro ururka Hilaac oo uu hoggaamiyo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, oo kasoo jeeda gobolka Awdal.

Diidmada Samatar ayaa horseed u ah in dad gobolka kasoo jeeda oo la aragti ahi, ay dalbadaan in doorashada madaxtooyada ay ururada uu Hilaac ka mid yahay ka qaybgalaan si ay ugu tartamaan madaxtinimada.