7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 27, 2023
Isku aadka tartanka kubadda cagta dowlad goboleedyada iyo Banaadir oo lasoo saaray

Jimco, October, 27, 2023 (HOL) - Xiriirka kubbada cagta Soomaaliyeed ayaa xalay wuxuu si rasmi ah u shaaciyay qabashada tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Sanadkan isbedel wayn ayaa ku yimid tartanka. Maamulka SSC-Khaatumo oo ay dhawaan dowladdu u aqoonsatay maamul KMG ah ayaa ka qeyb galaya tartankan.

Sidoo kale maamulka Puntland ayaan ka qeyb galaynin tartankaan, iyadoo loo aanayno khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan dowladda federaalka iyo Puntland.

Tartanka ayaa bilaaban doona bartamaha bisha December sanadkan. Waxaana lagu bilaabidoonaan Galmudug iyo Hirshabeelle. Sanadkan tartanku waa is wada arag.

Dhammaan kooxaha ayaa kulmaya. waxaana kasoo baxaya afarta ugu saraysa oo usoo gudbaya wareega semifinalaha.

Labadii sano ee ugu dambeysay tartan lama qaban, wuxuuna u baaqday dhaqaale la’aan sida uu sheegay guddoomiyaha xiriirka  kubadda cagta Soomaaliyeed, Cali Shiine.

Saddexdii jeer ee tartankan la qabtay waxaa ku kala guulaystay Puntland, Jubbaland iyo gobolka Banaadir.