7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 16, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardaaran la wadaagay ciidamo maanta laga keenay dalka Eretariya

Isniin, October, 16, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray xarunta ciidamada Cirka ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay ka socoto dib u soo celinta ciidamada tababarka ugu maqnaa dalka Eretariya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay hannaanka dib u soo celinta ciidamada ayaa la dardaarmay cutubyo ka mid ah ciidanka uu tababarka ugu soo dhamaaday dalka Eretariya ee maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay ciidankaan rajada iyo hamiga shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan iney ka qeyb qaataan ciribtirka kooxda Al-Shabaab, isagoona ku bogaadiyey taliska ciidamada xoogga dalka sida ay u fulinayaan qorshaha qaran ee tayeynta iyo dib u habeynta ciidamada xoogga dalka.

"Ciidamada dib ugu soo laabtay dalkooda ayaa ka kooban Dhulka, Cirka iyo Badda, waxayna isugu jiraan qaar sannado badan ku maqnaa Ereteriya  iyo cutubyo sannadkan bilowgiisa la diray kuwaas oo soo dhammeystirtay tababarkooda, si degdeg ahna dalkooda loogu soo celiyey, taas oo meesha ka saartay duruufo badan oo soo food saari jiray dhallinyarada u istaagay diifaca dalkooda, culeysna ku ahayd waalidkii ay ka tageen iyo qarankoodaba” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale madaxweynaha dowladda Fedaraalka ka hor sheegay ciidamadaan inuu fuliyay balankii uu ka qaaday Waalidiintooda oo mudo dheer ka walwalsana xaalada ay ku sugan yihiin ciidankaan oo qaarkood maqna mudo 5 sano ah.

“Balantii aan waalidkiina ka qaadnay waan ka dhabeyay, taan idinka idin ka qaadnayna waan ka dhabeyay, taad idinku qaaddeen baa idin ku dhiman, in aad ka dhabeysaana waan rajeynayaa insha Alaah" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ciidamadaan siiyay fasax kooban oo ay farxada kula soo wadaagayaan waalidiintooda oo ay mudada dheer ka maqnayeen, isagoona sheegay in fasaxa kadib ay toos u guda gali doonaan howlgalka dalka looga ciribtiraayo Al-shabaab.