7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 16, 2023
Madaxweynaha Galmudug oo xilka qaadis ku sameeyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Galmudug

Isniin, October, 16, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa wareegto uu soo saaray xilkii kaga qaaday wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada maamulka Galmudug Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud.

Wareegtada ayaa sidoo kale waxaa lagu faray wasiiru dowlaha Wasaadaradaas Liibaan Cabdi Maxamed inuu si kumeel gaar ah usii wado howlaha Wasaaradda.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay inuu madaxweyne Qoor qoor xilka ka xayuubiyo wasiirkii Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cabdirisaaq Maxamed, mana jirto wax war ah oo wali kasoo baxay dhanka wasiirka xilka qaadista lagu sameeyay.

Todobaadyo ka hor ayey ahayd markii uu madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid uu xilkii ka qaaday wasiirkii arrimaha gudaha maamulkaas, Cabdi Waayeel, taas oo dhalisay khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay isaga iyo madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxaana khilaafkaas ugu dambeyn xaliyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xiligaas ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb.