7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 16, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta Daah furay Shirka Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah
 

Isniin, October, 16, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta si wadajir ah u furay shirka khibrad iyo aqoon Is weydaarsiga Istaraatijiyadeed ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyey shirka ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay Hanaanka Jiheynta dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya si looga heshiiyo arrimaha aas aasiga u ah dowlad dhiska dalka.

Wuxuu si gaar ah u dul istaagay Madaxweynaha  ka hadalka arrimaha mudnaanta leh, isagoona hay’adaha kala duwan ee dowladda faray iney xoogga saaraan ciribtirka kooxda Shabaab, dhameystirka Dastuurka, deyn cafinta iyo sidii dalka looga qaadi lahaa cuna qabateynta hubka ee saaran mudada dheer.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale faray xubnaha Golaha Wasiiradda Soomaaliya iney iska fogeeyaan wax walba oo keeni kara kala fikir duwanaasho iyo khilaaf.

"Nin walbow Wasaarada aad wasiir ka tahay ka dhowr khilaaf oo joojiya warqadaha iska soo horjeeda aad qoreysan" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sidoo kale sheegay madaxweynaha in kobcinta aragtiyaha toolmoon ee dowlad dhiska iyo tayeynta fahamka lagu hoggaaminayo dowladnimada casriga ah ay jaangoyn doonto sidaan uga heshiinno arrimaheenna siyaasadeed, si jiilasha soo socdo loogu horseedo dhabbo cusub oo waxtar u leh mustaqbalkooda.

Gabagabadii shirkaan Aqoon is weydaarsiga hannaanka jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya ayaa socon doona muddo labo maalmood ah, waxaana ka qeyb galaya dhamaan xubnaha Golaha Wasiirrada, khubaro caalami ah iyo Madax aqoon durugsan u leh horumarinta iyo casriyeynta dowladaha.