7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 16, 2023
Nin hooyadiis ku gowracay magaalada Kismaayo oo maanta dil qisaas ah lagu xukumay
 

Isniin, October, 16, 2023 (HOL) - Maxkamadda darajada koowaad ee magaalada Kismaayo, ayaa maanta xukun dil ah ku ridday Xasan Cabdullaahi Cabdi, oo 37 jir ah, kasoo mindi ku gowracay hooyadiis oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Maxamed Cumar, oo 61 jir ahayd.

Ninkaan oo markii hore looga shakisanaa inuu xanuun dhimirka ah ku sababay inuu hooyadiis mindi ku dilo, ayay maxamaddu sheegtay, in baaritaan caafimaad oo lagu sameeyay lagu xaqiijiyay, in caafimaadkiisu uu taam yahay.

Waxay maxkamaddu sheegtay inuu dilkaas u geystay si bareer ah, waxayna sheegtay inuu isku dayay inuu baxsado falka kaddib, balse ay gacanta kusoo dhigeen laamaha amniga.

Dambiile Xasan Cabdullaahi Cabdi, ayaa falkaan geystay bishii June ee sanadkan, maalmo kaddib markii ay hooyadiis dalka kusoo celisay, si dhaqan celin loogu sameeyo.