7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 13, 2023
Madaxweyne Deni oo sheegay in waqtiga u harsan uu ku qabanayo doorasho qof iyo cod ah

Jimco, October, 13, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ka dhawaajiyay in saddexda bilood ee maamulkiisa u harsan uu ku qaban doono doorasho qof iyo cod ah. Isagoo gaashaanka u duruuray dalabka siyaasiyiinta mucaaradka ee ah in doorashada lagu galo qaabkii hore.

Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyay madaxtooyada waxa uu sheegay in uusan marnaba diyaar u ahayn in uu muddo kororsi sameysto. Wuxuu tilmaamay in ay aad ugu fududahay inay qabtaan doorasho ay xisbiyadu ku tartamayaan kuraasta 66 xildhibaan, iyo sidoo kale doorashada madaxweynaha iyo madaweyne ku xigeenka.

“Anigoo ah madaxweynihii dalka waxaan ku dhawaaqayaa in uu dalku u jiheeystay doorasho hal qof iyo hal cod ah, oo waqtigeedii ah oo sharci ku dhisan, oo aanan marna xilligii qawaaniinta iyo sharciga ii oggol yahay dhaafayn,” ayuu yiri madaxweyne Deni "

Deni wuxuu sheegay in aanay u joojinin kooxo uu ku tilmaamay inay doonayaan in ay qori caaradiis ku joojiyaan dimuqraadiyadda Puntland. Wuxuu sheegay in ay fursad u haystaan inay kasoo tartamaan xisbiyada.

Mucaaradka Puntland ayaa hadalka madaxweyne Deni kaddib, waxay yeesheen kulan albaabada u laaban yahay, welina wax war ah masoo saarin. Mucaaradku waxay kasoo horjeedaan doorasho qof iyo cod iyagoo u arka qorshe siyaasadeed oo uu Deni ku boobayo doorashada.