7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 13, 2023
Hay'adaha amniga ee dowladda oo baaraya in Nageeye Cali Khaliif uu ku biiray Alshabaab
 

Jimco, October, 13, 2023 (HOL) - Hay'adaha amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa baaritaan ku wadda wararka sheegaya in Nageeye Cali Khaliif oo ahaa Abwaan, saxafi, iyo bare katirsan jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, uu u goostay kooxda Alshabaab.

Saraakiil katirsan haya’daha amniga ee dowladda oo ka gaabsaday in magacooda la xuso, ayaa sheegay, in ay warbixin rasmiya ka soo saari doonaan xaaladda Negeeye Cali Khaliif.

Negeeye Cali Khaliif ayaa gurigiisa ka maqan muddo shan maalin ah islamarkaas na waxaa hawada ka maqan teleefoonada uu adeegsan jiray, sida ay sheegayaan hay'adaha amnigu.

Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed oo uu ka ahaa barre, ayaa ka gaabsatay inay ka jawaabto waxay kala socdaan xaaladda Nageeye, kaasoo shalay iyo maanta qabsaday baraha bulshada.

Alshabaab oo lagu sheegay inuu ku biiray kama aysan soo hadlin arrintiisa.

Dadka ku riixayay inuu ku biiray Alshabaab, ayaa soo qaadanayay buug uu qoray abwaanku, kaasoo qoraal lagasoo qaatay uu ku sheegay inuu kagasoo horjeedo halganka Shabaab loogasoo horjeedo. Balse ma jiraan warar xaqiijinaya in qoraalkaas uu ku jiro buug uu qoray Nageeye.