7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 13, 2023
Madaxweyne Deni oo la filayo inuu ka hadlo dalabka mucaaradkiisa ee doorashada 8-da January
 

Jimco, October, 13, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa la filayaa inuu ka jawaabo dalabka mucaaradkiisa, kuwaas oo maalmo ka hor sheegay in haddii madaxweyne Deni uu isku dayo muddo kororsi ay Puntland burburidoonto.

Madaxweyne Deni oo muddo 2 bilood ah ka maqnaa Puntland, ayaa caawa sagaalka fiidnimo, wuxuu jeedin doonaa khudbad uu sheegay inuu kula hadlidoona bulshada, lamana sheegin waxa ay ku saabsan tahay.

Hase ahaatee, ilo ku dhow madaxtooyada Garowe, ayaa HOL u sheegay in madaxweyne Deni uu ku adkaysan doono in aan dib loogu laaban doonin doorashadii qabaliga ahayd ee uu baarlamaanku soo dooran jiray madaxweynuhu.

Sarkaal katirsan madaxtooyada oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso, ayaa inoo sheegay in madaxweyne deni uu is adag uga jawaabi doono eedeymaha u ay jeediyeen kooxaha mucaaradka, kuwaas oo ku eedeeyay inuu ku fashilmay nidaamkii dimuqraadiyadda Puntland.

Warar kale oo aad loo hadal hayo waxay sheegayaan in madaxweyne Deni uu qorsheynayo in 8 bilood loogu kordhiyo muddo xileedkiisa, si uu ugu dhameystiro doorasho qof iyo cod ah. Arrintaasna mucaaradka ayaa si aad ah ugasoo horjeeda, oo sheegay inay xabbad ka xigaan.

Mucaaradku waxay aaminsan yihiin in waqtiga u harsan Deni uusan ku qaban karin doorasho qof iyo cod ah, sidaas darteedna lagu khasban yahay in dib loogu laabto doorashadii baarlamaaniga ahayd.