7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 13, 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo qaabilay hoggaamiyaha maamulka SSC- Khaatumo

Jimco, October, 13, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Xamse Cabdi Barre ayaa ku qaabilay madaxtooyada hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Firdhiye.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee deegaannada SSC Khaatumo ka dhageystay Hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye.

Hoggaamiye Fidhiye ayaa la wadaagay madaxda dowladda Federaal aragtidooda ku aadan hiigsiga dadka deegaannadaas iyo caqabadaha nololeed ee ka dhashay dagaalka magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in bulshada ku dhaqan deegaannada SSC Khaatumo maanta looga baahan yahay in ay xoogga saaraan sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida.

Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyaha SSC- Khaatumo ayaa intii uu Muqdisho ku sugnaa, waxaa uu ku guulaystay inuu meeqamka maamulkiisa gaarsiiyo meel sare.

Dowladda efderalka ayuu haatan ka sugayaa qoondo dhaqaale oo lagu kala socodsiiyo howlaha maamulka SSC- Khaatumo ee curdinka ah.