7/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 4 , 2023
Hirshabeelle oo faahfaahin ka bixisay dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay Jowhar

Sabti, November, 4, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Luqmaan Xaaji Muxumad ayaa goordhaw faahfaahin ka bixiyay weerar khasaare geystay oo maanta ku qabsaday kolanyo gaadiid ah oo isaga galbineysay agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in mar qura uu ka war helay rasaas ku socota gaadiidkii uu la socday, taasoo uu sheegay iney kusoo fureen ciidamada Danab ee ilaaliya amaanka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

“Waa dhacdo uurkutaalo ah anigoo ku hadlaya magaca Hirshabeele waan ka xunahay in ciidamadii ilaalada noo ahaa ay rasaas nagu soo ridaan, Qaar kamid ah xildhibaanadii Baarlamaanka ee ila socday ayaa ku dhaawacmay weerarkan halka ilaalada qaar kamid ahna ay dhinteen, waxaan jawaab ka sugeynaa xukuumada federalka" ayuu yiri Guddoomiye Luqmaan Xaaji.

Wuxuu sidoo kale guddoomiyaha dalbaday in si deg deg ah dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay uga soo jawaabto dhacdada maanta ciidanka Danab ay ku rasaaseeyeen.

Gabagabadii dagaalka maanta ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ayaa ahaa mid daba socday dagaal Shalay gudaha magaalada Jowhar ku dhexmaray ciidanka Danab iyo kuwa ilaalada Madaxtooyada Hirshabeelle, kaasoo lagu dilay askari ka tirsanaa ciidanka Danab.