7/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 4 , 2023
Dagaal u dhaxeeya ciidanka Madaxtooyada Hirshabeelle iyo Danab oo ka socda magaalada Jowhar
 

Sabti, November, 4, 2023 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya inuu halkaasi ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Kumaandooska Danab iyo ciidanka gaarka ah ee Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle.

Dagaalka u dhaxeeya labada ciidan ayaa ka socda agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar, kaasoo lasoo warinayo in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Afhayeenka Madaxtooyada Hirshabeelle oo war kooban kasoo saaray dagaalka ayaa sheegay in ciidanka Danab ay weerar ku qaadeen kolanyo gaadiid ah oo ciidanka Madaxtooyada oo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle u galbinayeen garoonka diyaaradaha Jowhar.

"Maleeshiyaadka danab ee fadhigoodu yahay Garoonka diyaaradaha ee Jowhar ayaa weerar ku qaaday kolonyo gaadiidka Ciidanka Gaarka ah ee Madaxtooyada oo Airportka u galbinayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo safar shaqo ugu socday Magaalada Muqdisho" ayuu yiri afhayeenka Madaxtooyada Hirshabeelle Daa'uud Xaaji Cirro.

Si kastaba ha ahaatee dagaalkaan u dhaxeeya ciidanka Madaxtooyada Hirshabeelle iyo kuwa Danab ayaa daba socda dagaal shalay ku dhexmaray gudaha magaalada Jowhar, kaasoo uu ku dhintay askari ka tirsana ciidanka Danab iyo qof shacab ahaa.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac walow aanan la ogeyn inta ay dhan tahay, waxaana haatan laga dareemayo gudaha magaalada Jowhar xaalad kacsanaan ah, iyadoo wadooyinka ay soo buux dhaafiyeen ciidamo badan oo hubeysan oo ka amar qaata Hirshabeelle.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.