7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 4 , 2023
Booliiska Somaliland oo soo bandhigay danbiyadii sannadkan ka dhacay Somaliland
 

Sabti, November, 4, 2023 (HOL) - Booliiska Somaliland ayaa sheegay in 28,563 oo dabi ay guud ahaan Somaliland ka dhaceen sannadkan sii dhamaanaya ee 2023.

Booliisku waxa ay sheegeen in 66 danbi oo dil ahi ay dhaceen, ayna ku dhinteen 66 qof, iyada oo la qabtay 57 gacan ku dhiigle, 9 kalena lagu raad joogo, dhinaca kale 378 kufsi ayaa dhacay sannadkan, waxaana ku eedaysan 383 qof, 324 kamid ah ayaa gacanta lagu dhigay, 59 kalena wali waa la raadinayaa.

Shilalka baabuurta ee dhacay ayaa ahaa 6,536 shil, iyada oo ay ku dhinteen 198 qof, ayna ku dhaawacmeen 4,890 kale, 3782 gaadiid ah ayaa ku burburay, waxaana ku dhintay 189 neef oo xoolo ah, iyada oo ay sidookale ku burbureen 104 isugu jira dhismayaal iyo biro.

Tirada caruurta la tuuray ayaa sannadkan dhanayd 13 caruura, oo lix kamid ahi booliisku nolol ku gaadheen, halka 7 kamid ahina ay geeriyoodeen.

58 qof ayaa argagixisonimo loo xidhay, 8 kamid ah ayaa la xukumay, 7 kamid ah ayaana garsuge ah, 2 na baadhistooda ayaa socota, halka lasii daayay 41 kii kale, sidookale booliisku waxa uu ka hawlgalay qaraxyo laga maqlay suuqa Waaheen, agagaarka iskuulka Sheekh Bashiir, iyo guriga Hay'adda Shaqaalaha ee Hargaysa.

Booliiska ayaa sidookale qabtay mukhaadarad badan oo iskugu jira khamri iyo xashiishad, laga keenay dalka Itoobiya, iyada oo  loo hayo eedaysanayaal badan iyo baabuur tii lagu siday.

Ugu danbayn, Dambiyada beenoobay waxay ahaayeen 5,812 danbi, danbiyada heshiiska ku dhamaadayna waxay ahaayeen 10,631, inta xukun ku dhacayna waa 10,867, waxa garsugeyaal ah 853 eedaysane, waxaana baadhis ku jir 400.