7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 4 , 2023
Wasiir Fiqi" 30 June sannadka dambe dadweynaha ayaa soo dooranaya guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir
 

Sabti, November, 4, 2023 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay bisha June ee sanadka soo socda in ay guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir ku imaan doonaan doorasho dadweyne.

Wasiirka arrimaha guduhu wuxuu sheegay gobolka Banaadir inuu noqon doono meesha lagu bilaabi doono doorashooyinka dadweynaha, isagoo raaciyay in ay ku xigidoonaan degaanada Koonfur Galbeed.

“Waxaan rabnaa inay yimaadaan guddoomiyayaal iyo gole degaan ay dadku la xisaabtamaan,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Fiqi wuxuu sheegay gobolka Banaadir inuu tusaale u noqondoono dimuqraadiyadda Soomaaliya, inkastoo uu sheegay inay jiraan caqabado ka taagan dhinaca muranada dhulka.

Wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaali doonto in la xaliyo muranada ka jira dhulka, kuwaas oo uu tilmaamay inay xitaa soo jireen illaa xiligii dowladdii Kacaanka.

Wuxuu sheegay Muqdisho xasiloonideeda inay ku jirta inay yeelato gole degaan oo ay shacabku soo doortaan.