7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 3 , 2023
Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Jimco, November, 3, 2023 (HOL) - Qaraxaan oo si weyn goordhaw looga maqlay jugtiisa inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay meel u dhaw Isgoyska Sayidka oo ka mid ah meelaha laga ilaaliyo amaanka Madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu yahay mid Ismiidaamin oo uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo beegsaday Maqaayad lagu magacaabo Baar Bulsho oo u dhaw Isgoyska Sayidka.

Lama oga wali khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaan, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan qaraxaan daqiiqado kooban ka hor ka dhacay Isgooyska Sayidka ee mgaalada Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya iney goobta gaareen gaadiidka gurmadka deg dega ah oo isku dayaya iney goobta ka qaadan dadka ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxa.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.