7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 3 , 2023
Iska hor imaad khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Jowhar

Jimco, November, 3, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in laba ruux ay ku geeriyooday is rasaaseyn ku dhexmartay magaaladaas ciidamo ka wada tirsan dowladda Fedaraalka.

Is rasaaseynta ayaa la sheegay iney dhexmartay ciidamo ka kala tirsan Militariga iyo kuwa Kumaandooska Danab, kuwaas oo la sheegay inuu soo kala dhex galay khilaaf aanan la shaacin waxa uu yahay.

Labada ruux ee iska hor imaadka ku dhintay ayaa la sheegay iney kala yihiin qof shacab ah oo rasaasta haleeshay iyo askari ka tirsan ciidanka Danab.

Ciidamo Booliis ah ayaa gaaray goobta uu ka dhacay iska hor imaadka, waxaana hada lasoo warinaya in xaaladu degan tahay oo uu dib u bilaawday isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha oo mudo kooban hakad ku jiray.

Ugu dambeyntii ma jirto wax war ah oo ilaa hada ka soo baxay dhanka laamaha amaanka maamulka degmada Jowhar oo la xiriira is rasaaseyntan khasaaraha geysatay ee dhexmartay ciidanka ka wada tirsan dowladda.