7/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 3 , 2023
Dad ku dhintay daadad kusoo rogmaday degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo

Jimco, November, 3, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas sacaadahii lasoo dhaafay ay ka da'een roobab xoogan oo geystay khasaare dhimasho ah.

Inta la xaqiijiyay laba gabdood ayaa ku dhintay daadad kasoo rogmaday roobabka sacadihii u dambeeyay ka da’ayay magaalada iyo nawaaxigeeda.

Gobolka Gedo waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay ka da'ayay roobab aad u xoogan oo meelaha qaar ka geystay khasaarooyin kala duwan oo naf iyo maalba leh.

Si kastaba roobabkaan ka da'ay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa kusoo aadaya, iyadoo degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Gedo saacadahii lasoo dhaafay looga barakacay fatahaad uu sameeyay wabiga Jubba ee mara inta badan gobolka Gedo.

Degmooyinka Luuq, Doolow iyo Baardheere ayaa ka mid ah degmooyinka saacadahii lasoo dhaafay uu ku fatahay Wabiga Jubba, waxaana ku barakacay boqolaal qoys.