7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 3 , 2023
Wasiir Fiqi "Dagaal beeleedyada waxa hurinaya niman shaar qabiil xiran oo Khawaariijta ka tirsan"

Jimco, November, 3, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeeyay kooxda Al-shabaab iney ka dambeyso dagaal beeleedyada haatan ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in baaris ay sameeyeen hay'adaha amaanka dowladda Soomaaliya in lagu ogaaday in si cad uga dambeeyaan hurinta dagaal beeleedyada dad shaar qabiil xiran, islamarkaana ka tirsan ama la shaqeynaya kooxda Al-shabaab.

“Niman shaati qabiil xiran oo loo maleynayo in qabiilka dantiisa wadaan laakiin la hubo iney shabaab yihiin oo si hoose Hay’adaha amniga usoo baareen ayaa lagu ogaaday iney ka tirsan yihiin Khawaariijta iyaga oo soo siinaya hubka, lacagtana siinayaan, si colaada u sii huriyaan wayna fashilmeen” ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Wuxuu sidoo kale sheegay wasiir Fiqi in marar kala duwan heshiis la dhex dhigay beelaha qaar, hayeeshe heshiisyada oo aanan waqti yar xata kasoo wareegeen ay dib u bilaawdeen dagaal beeleedyada.

"Dagaal beeleedka ka socday Shabeellaha dhexe waad ogtahiin madaxweynaha dowadda Federaalka  Xasan Sheekh Maxamuud inuu heshiiskooda galay, markuu kaso tagayna uu dib u qarxay dagaal beeleedka, hadana Madaxweynihii 7-aad ee dowladdii Kumeel gaarka ahayd Shariif Sheekh Axmed ayaa tagay oo heshiis soo kala dhex dhigay, markuu kasoo tagay hadana dagaalka ayaa dib u billowday, marka waxaso dhan waxey cadeynayaan in shabaab ka dambeyso dagaal beeleedyada" ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi.

Hadalka Wasiir Fiqi ayaa kusoo beegmaya, iyadoo qeybo ka mid ah gobolada Shabeellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug ay ka socdaan dagaal beeleedyo geystay khasaarooyin kala duwan.