7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 2 , 2023
Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun ku ridday Sheegow Axmed Cali iyo ilaaladiisii

Khamiis, November, 2, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa Axmed Cali Sheegow (Gen. Sheegow), ku xukuntay 10 sano oo xabsi ciidan ah, iyo sidoo kale bixinta Diyada dilka Sakariye Maxmaed Cali iyo dhaawaca sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen.

Labadan nin ee midna magtiisa lagu xukumay, mid kalena dhaawaciisa, ayaa ahaa saraakiishii iyo askartii ugu tagay gurigiisa, si uu iskugusoo dhiibo, balse uu rasaas ugu jawaabay, sida ay sheegeen xeer ilaalinta.

Sidoo kale, Axmed Maxamed Xasan (Abii Axmed ), oo ahaa taliyaha ilaalada ciidanka Axmed Cali Sheegow ayaa lagu Xukumay Dil-toogasha ah.  

Waxaa lagu helay inuu Maxkamad ku taal Jowhar ku dilay laba eedeysane, February 13-keedii ee sanadkan.

18 eedeysane oo kamid ahaa askartii u dagaalamaysay  Sheegow ayaa iyagana sidoo lagu xukumay min 6-Sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda waxay sidoo kale, saddex askari oo dhac geysatay oo la sheegay inay ka bilaabatay fowdada ku xukuntay saddex illaa 5-sano oo xabsi ciidan ah.