7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 2 , 2023
Isimada Dhaqanka SSC Khaatumo oo codsaday in lasii daayo laba maxbuus oo Buuhoodle ku xidhan
 

Khamiis, November, 2, 2023 (HOL) - Isimada Dhaqanka SSC Khaatumo oo socod ku marayay degmada Buuhoodle, ayaa dadwaynaha ka codsaday in lasii daayo laba maxbuus oo dhawaan dagaal beeleed lagu qabtay.

"Halkan maxaabiis dagaal lagu qabtay ayaa jooga, waxaanu si toosa idiinka codsanaynaa labada nin ee maxaabiista ah in aad siidaysaan", Isimada ayaa bulshada iyo waxgaradka Buuhoodle ka cosaday siidaynta maxaabiista.

Waxa ay sheegeen in raga la qabtay ay ahaayeen rag reer baadiye ah, isla markaana anay cidi kasoo dabahadal, salaadiintuna anay garanayn meesha ay dagaan reerahoodu, ayna yihiin dad reer guuraa ah.

Waxa ay sheegeen in labada nin lagu qabtay dagaal beeleed dhawaan ka dhacay deegaanka Maskaxbuqle, oo ku dhaw degamada Buunoodle. Dad wayne kasoo qaybgalay madal shir ah oo isimadu joogeen ayaa ogolaaday in lasii daayo labada nin.

Dagaal beeleed ayaa dhawaan Maskaxbuqle ku dhexmaray laba beelood oo deegaanka wada daga, iyada oo hada dhinacyadu ay wadaan dadaalo lagaga baaqsanayo dagaalo kale.