7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 2 , 2023
Wasaaradda Amniga Gudaha oo soo saartay amar ku socda shirkadaha iyo hay'addaha hubka ku haysta Muqdisho

Khamiis, November, 2, 2023 (HOL) - Wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ku amartay shirkadaha, hay'addaha iyo cid walba oo hub ku dhex haysata magaalada Caasimada ah ee Muqdisho iney isa soo diiwaan galiyaan. .

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha ayaa lagu faray dhamaan shirkadaha iyo hay'adaha hubka ku dhex haysata Muqdisho iney isku soo diiwaan galiyaan mudo 15 maalmood gudahood.

“Xafiisyada ay warqadaan sida tooska ah ugu socoto waxaan idinku wargelinaynaa in and nagala shaqeeysaan in Hay’adaha iyo Shirkadaha ka shaqeeya amiga iyo xarumaha gaarka loo leeyahay in ay soo diwaan galiyaan hubka ay heystaan maddo 15 maalmood gudaheed oo ka bilaabanaysa 01/11/2023 kuna eg 16/11/2023” ayaa lagi qoraalka ka soo baxay Xafiiska Wasaaradda Amniga gudaha.

Warkaan kasoo baxay Wasaaradda amniga ayaa kusoo beegmaya, iyadoo horay Muqdisho looga mamnuucay in lagu dhex qaato hubka waa weyn iyo waliba askarta badan ee ilaalisa madaxda dowladda masuuliyiinta kale.

Hoos ka akhriso warka kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha oo dhameystiran:-