7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 2 , 2023
Madaxweyne Deni oo kasoo horjeestay baaqii xalay kasoo baxay isimada Puntland
 

Khamiis, November, 2, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa kasoo horjeestay baaqii kasoo baxay isimada Puntland, kuwaas oo sheegay in aanay doorasho qof iyo cod ah dhici karin, iyagoo soo jeediyay in dib loogu laabto nidaamka qabaliga ahaa.

War-saxafaadeed kasoo baxay nadaxtooyada ayaa lagu sheegay, in Puntland dhegaysanayo talooyinka u hiilinaya ka mira dhalinta hannaanka dimuqraadiga ah iyo doorashooyinka loo madlan yahay ee hal qof iyo hal cod.

Madaxtooyadu waxay sheegtay in xalay golaha wasiirradu ay ansixiyeen wax ka badelka xeerarka qabsoomidda doorashada, kuwaas oo ay sheegtay in dhaqso loogu gudbin doono Golaha wakiilada.

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay, in dadku codkooda ku doortaan Golaha Wakiilada, Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka, iyadoo la raacayo xilliga guddiga doorashadu u asteeyeen doorashada.

Si kastaba ha ahaatee,  mucaaradka ayaa xalay soo dhoweeyay bayaanka isimada kasoo baxay xalay, iyagoo taladooda u arka qaabka ay kaliya ee ay Puntland uga gudbi karto marxaladda xasaasiga ee haatan lagu sugan yahay.

Deni iyo mucaaradka oo meel kala fog taagan ayaa laga cabsi qabaa inay u horseedo Puntland qalalaase siyaasadeed oo dhiig badan ku daato.