7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 16, 2023
Madaxweynaha iyo mucaaradka Somaliland oo ka shiray difaaca Somaliland iyo doorashooyinka
 

Khamiis, November, 16, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxda sare ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa ka wadahadlay sidii si wada jira Somaliland loogu difaaci lahaa, iyo in la dardar galiyo geedi socodka doorashooyinka.

Kulanka oo madaxtooyada ku dhexmaray madaxweynaha iyo Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ugu horayn layskula soo qaaday u midoobida difaaca Somaliland.

"Waxaa kulanka la iskaga xog waraystay guud ahaan xaaladda dalka, waxaana la isla qaaday in loo midoobo difaaca qaranka, mudnaantana la siiyo midnimada iyo danaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland" ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed kasoo baxday madaxtooyada.

Waxa sidoo kale laga wada hadlay doorashooyinka ku soo foolka leh Somaliland, waxaana la isla qaatay in Komishanka Doorashooyinka looga dambeeyo arrimaha khuseeya doorashooyinka.

Musharax Cirro oo isna kulanka ka warbixiyay ayaa yidhi "Kulan aan maanta wada yeelannay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa aannu iska wareysannay xaaladda guud ee dalka ee dhinacyada nabadgelyada, xasilloonida, midnimada shacabka, taaba-gelinta hannaankii doorashooyinka isku sidkanaa ee lagu heshiiyey iyo dhammaystirka xeerarka barlamaanku gacanta ku hayo".

Kulanka ayaa waxa kale oo ka qaybgalay madaxda sare ee xisbiga Kulmiye, wasiiro iyo sarkaal kale oo ka socday xisbiga Waddani.