7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 16, 2023
SOMDA oo qeylo dhaan deg deg ah kasoo saartay Roobab mahiigaan ah oo la filayo
 

Khamiis, November, 16, 2023 (HOL) - Hay’adda ka hortagga masiibooyinka qaranka ee SOMDA ayaa qeylo dhaan xooggan ka soo saartay khatarta roobabka mahiigaanka ah ee lagu wado in ay ka da’aan gobollada dalka toddobaadka soo socda, sida ay muujinayso saadaasha hawada ee ugu dambeysay.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ay SOMDA soo saartay ayaa lagu yidhi, “Todobada maalmood ee soo socda ee toddobaadka saddexaad ee bisha November 2023, saadaasha roobabka dayrta waxa ay muujinaysaa in roobab mahiigaan ahi ay ka da’i doonaan gobollada dalka oo dhan.

SOMDA waxa ay gobollada Gedo iyo Awdal ku tilmaantay meelaha ay u badan tahay in ay ka da'ayaan roobab laxaad leh, iyada oo saadaashana ay u dhaxayso 150-200 mm.

Gobolada Bay, Bakool, Hiiraan, Sool, Nugaal, Waqooyi Galbeed, Mudug, Galgaduud, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose, Jubbada Dhexe, iyo Banaadir ayaa la filayaa inay ka da'aan roobab u dhexeeya 30 ilaa 80 mm.

Qeylo dhaantaan ayaa kusoo aaday, iyadoo dowladda Soomaaliya ay walaac xooggan ka muujisay khasaaraha ay geysteen daadadka iyo fatahaadaha ka dhashay roobabka da'ay.

Illaa iyo hadda 42 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen khasaaraha roobka ka dhashay, sidoo kale in ka badan hal milyan ayay saameeyeen waxyeelada ka dhalatay roobabku.