7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 16, 2023
Waxaa sii kordhaya cabsida iyo walaaca dadka ku dhex go'doosan xaafadaha Baledweyne

Khamiis, November, 16, 2023 (HOL) - 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay waxaa kor u sii kacay heerka biyaha wabiga Shabeelle ee ku fatahay biloowgii todobaadkaan dhamaan xaafadaha magaalada Baledweyne.

Kororka biyaha wabiga Shabeelle ayaa yimid, kadib markii saacadahii lasoo dhaafay roobab xoogan ay ka da'een deegaanada dhaca dhinaca Waqooyi ee magaalada Baledweyne, islamarkaana waadiyaasha ay kusoo shubeen daadadka ka dhashay roobabka Wabiga Shabeelle.

Waadiyaal dhowr ah oo ku kala yaala deegaanada kala ah Ceelgaal, Qowlad, Ilkacade iyo Feerfeer ayaa ku soo shubay biya farabadan wabiga Shabeelle.

Roobabkan daadadka badan ka dhasheen ayaa kusoo beegmaya, iyadoo rajo badan laga qabay in biyaha wabiga Shabeelle nafis laga dareemo saacadaha soo socda, hayeshee waxaa arintaasi meesha ka saaraya roobabka xoogan ee wali ka da'aya gudaha dowlad deegaanka Itoobiya iyo deegaanada hoos yimaada Baledweyne.

Roobabka wali da'aya ayaa sii kordhinaya cabsida iyo walaaca dadka ku dhex go'doonsan gudaha Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Fatahaada Baledweyne Ku dhufatay 12-kii bishaan ayaa la xaqiijiyay iney ku geeriyoodeen ilaa 8 ruux.