7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 16, 2023
Soomaaliya iyo Algeria oo Caawa wada ciyaari doona kulan ka tirsan Isreeb reebka koobka Adduunka

Khamiis, November, 16, 2023 (HOL) - Xulka kubadda Cagta ee Qaranka Soomaaliya ayaa Caawa 07:00 Fiidnimo la ciyaari doona Xulka qaranka dalka Algeria kulan ka tirsan isreeb reebka Qaaradda Afrika ee koobka Kubada Cagta Adduunka sanadka 2026.

Kulankaan oo ah mid xiiso badan ayaa lagu ciyaari doonaa garoonka Mandella Stadium ee magaalada Baraki, kaasoo qaada 40,784 taageereyaal.

Kulankaan ayaa noqonaya kii ugu horeyay oo tartan noocaan oo kale ah ay isaga hor yimaadaan xulalka Soomaaliya iyo Algeria.

Xulka qaranka dalka Algeria ayaa doonaya in markii shanaad ay ka qeyb galaan tartanka koobka kubada Cagta Aduunka ee sanadka 2026, halka ay Soomaaliya dooneyso in markeedii ugu horeysay ay usoo baxdo tartanka koobka Kubadda Cagta Aduunka.

Si kastaba ha ahaatee marka la eego qiimeynta iyo awooda labada Xul ay ku leeyihiin kubadda Cagta, waxaa ku horeysa xulka Algeria oo qiimeynta FIFA kaga jirto kaalinta 33-aad, iyadoo Soomaaliya ay ku jirto booska 196-aad.

Xulka Soomaaliya oo xidigaha matalaya laga  soo xulay gudaha iyo dibadda ayaa ku jira Group-G waxaana ku wehliya xulalka Algeria, Guinea, Uganda, Mozambique iyo Botswana.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa kulanka Caawa si weyn idhaha ugu wada hayo, iyagoo rajeynaya in xulka qaranka Soomaaliya iney guul kasoo hoyaan kulanka.