7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 28, 2023
Madaxweynaha Jubbaland oo shaaca ka qaaday inuu tagayo gobolka Gedo cid walbana ay tagi karto
 

Arbaco, Juun, 28, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe oo maanta Salaada Ciida Carafo kula Tukaday xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo dadweyne fara badan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulkiisa ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay xaalada gobolka Gedo.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo ugu horeyn shacabka reer Jubbaland ugu hambalyeeyay munaasabada maalinta koowaad ee Ciida Carafo ayaa ugu baaqay reer Jubbaland inay xoojiyaan midnimada iyo wadajirka umadeed islamarkaana ay ka qeyb qaataan sidii looga hortagi lahaa dhaqamada fasahaadinaya bulshada deegaanka.

Axmed Madoobe oo si qota dheer uga hadlay arrinta gobolka Gedo ayaa sheegay in looga baahan yahay shacabka reer Gedo iney la shaqeeyaan mamaulka Jubbaland, isagoona xusay in Gedo ay ka mid tahay Jubbaland uuna tagi doono.

"Gedo waa Jubbaland aniga ayaa tagaya, qof walba ayaa tagaya, ma doonayo in laysku xad gudbo, mana doonayo inan ka hadlo wixii horay usoo dhacay, shacabka reer Gedo waa dad walaalo ah, waxaan leeyahay horumarka deegaanka aan ka wada shaqeyno, wixii tagay way tageen waxaan rabna in dadka la isku wada keeno oo la heshiiyo, qofkii dhaqan ah dhaqankiisa lagu tixgaliyo, kii maamul ah maamulka lagi tixgaliyo oo meel la isugu tago so loo xaliyo qof walba oo wax tabanaayo" ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha Jubbaland ayaa imaanaya, iyadoo Shalay magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo uu gaaray guddoomiyaha cusub ee gobolkaas uu dhawaan magacaabay madaxweyne Axmed Madoobe, kaasoo mudo dhowr jeer oo hore laga hor istaagay inuu tago Garbahaareey.