7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 28, 2023
Xisbiga Waddani oo sheegay in Cabdirisaaq Khaliif uu wali yahay gudddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland
 

Arbaco, Juun, 28, 2023 (HOL) -  Xisbiga Waddani ee Somaliland ayaa sheegay in guddoomiyihii is casilay ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed uu wali hayo xilka guddoomiyenimo, madaama aanu goluhu wali cod ku caqbalin iscasilaadiisa.

Guddoomiyaha xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo saaka hadal ka jeediyay goob lagu oogayay saalada Ciida Carafo, ayaa sheegay in Khaliif uu wali hayo xilka guddoomiyaha ilaa oo uu goluhu aqbalo iscasilaadiisa.

"Waxa laga yaabaa  in dhawayd in la hadal hayay Cabdirisaaq Khaliif oo guddoomiyihii baarlamaanka ah oo inaga tagay, wali inkasta oo aan iscasilaadii aanu baarlamaanku ka aqbalin oo uu xilkiiba malaha wali hayo, go'aankiisa shakhsiga ah ayuu inoogu yimid, go'aankiisa shakhsiga ahna wuu inagaga tagay" ayuu yidhi Xirsi.

Xirsi waxa uu sheegay in ka xisbi ahaan ay bari ka yihiin qaladkasta oo lagu eedaynayo Khaliif iyo xukuumada Somaliland labadaba.

"Hadii uu qalad sameeyay, iyo hadii uu khiyaamo sameeyay wixii ku caddaada, iyo xukuumadu wixii ay tacadi halkaa ka gaysatayba, anagu xisbi ahaan iyo shakhsi ahaanba bari ayaanu ka nahay, qofkasta oo xad gudub sameeyay ama khayaamo qaran ku kacay lama qabno" ayuu yidhi Xirsi.

Waxa uu sheegay in ka xisbi ahaan ay rabaan in xaalada Laascaanood si nabada loo dhameeyo, oo bulshadu u kacdo sidii looga howlgali lahaa nabada, waxa kale uu uu xusay in ay hanaan dowladeed oo suuban samayn doonaan hadii ay kursiga yimaadaan.

Guddoomomiye Khaliif ayaa kasoo baxay xisbiga Waddani doorashadii golaha wakiilada ee 31 May, 2021, iyadoo xisbigu uu dagaal badan u galay sidii uu guddoomiye u noqon lahaa, waxa kale oo la sheegaa in xidhiidh saaxiibtinimo oo dhow ay lahaayeen isaga iyo Xirsi.