7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 28, 2023
Magaalada Muqdisho oo maanta si weyn looga Ciidayo


Arbaco, Juun, 28, 2023 (HOL) - Maanta waa Maalinta Koowaad  ee Munaasabada Ciidul Adxa, waxaana si siman looga wada Ciiday dhammaan Wadamada Islaamka oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay.

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka, waxaana Masaajidada waa weyn Salaada Ciidul Adxa ku Tukaday  boqolaal ruux, waxaana Saalada kaddib dadka Soomaaliyeed si ay farxad ka muuqato isugu hambalyeynayeen Munaasabadda Maalinta Koowaad ee Ciidul Adxa, oo ah maalin qiimo badan ku leh Umadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta ku nool Caalamka oo dhan.

Wadooyinka waa weyn ee Caasimada muqdisho, ayaa ah kuwo aad u mashquul badan,maadama ay dadka ay booqanayaan Eheladooda iyo Asxaabtooda,  si ay farxada Ciida ugala qeyb qataan.

Sidoo kale goobaha loo dalxiis tago ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, ayaa  maanta ka duwan maalimihii hore maadama ay boqolaal ruux oo isugu jira Dhallinyaro, Haween,  Carruur, ay tagayaan si ay damashaadka Ciida ugu soo qataan,isla markaana sawirro ugu soo galaan.

Maanta oo kale Muslimiinta intooda awooda ayaa gowraca Xoolo, kaddibna ku sadaqeysta dadka masaakiinta ah si farxada loo wada qeyb sado.

In ka badan 2 milyan oo Ruux oo gudanaya Xajka sannadkaan, ayaa ku ciidaya xaramka barakeysan  Makka.