7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 28, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh "Balan ilaahey waxaan ku qaaday marna inaan la ogolaaneyn xatooyo xoolo dadweyne"
 

Arbaco, Juun, 28, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadalaayay munaasabadda Ciida Carafo oo uu ugu horeyn ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed ayaa jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu diiradda ku saaray inta badan Xatooyada iyo Musuqmaasuqa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday iney ka go'an tahay dowladdiisa suulinta xatooyada iyo musuqmaasuqa xoolaha dadweynaha, isagoona wacad ku maray inaan la isaga hari doonin xatooyo dambe.

“Dowladda Soomaaliya ma ogolaan doonto in dhaqaalaha yar ee gabadha ama wiilka maskiinka ah laga soo qaaday guryo looga dhisto Turkiga iyo Nairobi, balan ilaahey waxaan ku qaaday marna inaan la ogolaaneyn taas, War ka joog ha garabsiin, hana la soo safan nin tuug ah, tuug umad xaday hala safan” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sidoo kale sheegay madaxweynaha Soomaaliya in la ceebeeyn doono qof walba oo ku dhaqaaqa xatooyo xoolo dadweyne, isagoona fariin adag u diray odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiinta ka daba yimaada dadka lagu soo qabto kiisaska la xariira xatooyada iyo musuqmaasuqa.

"Ninkii Alle ka cabsan waaya sharaf malahan, waxuu mudan yahay ma jirto nin sameeyo xatooyo, xaaraam ayuu ku dhacay, Maanta tuugnimada heer aan ku faano ayaan gaarnay, meel lacag lagu qaado ninka raadinaa waa tuug, nin umadda u shaqey raba maaha, hadaa dadkaan u shaqeyneyso iskuulka tag ee ilmaha wax bar, subax dhan gurigaaga ha uga soo lebisan sidaa u difaaci laheed nin tuug ah oo aad dhahdo maxaa loo xiraa " ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa imaanaya, iyadoo dhawaan dowladda Soomaaliya ay xirxirtay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku eedeysan xatooyo iyo musuqmaasuq.