7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 26, 2023
Madaxweynaha Kenya oo sheegay in ciidamadiisu ay sii joogayan Soomaaliya
 

Isniin, Juun, 26, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya ay dalka sii joogayaan in ka badan jadwalka loo qorsheeyay dhimista ciidamada ATMIS.

Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in dalalka safka hore ee Kenya, Uganda, iyo Itoobiya ay go’aansadeen in aysan lumin guulaha la gaaray.

"Waxaan go'aansanay haddaan nahay dalalka safka hore - inaan ku sii jirno koorsadan. Waxaan u aragnaa inay lama huraan tahay inaan ka sii gudubno jadwalka dhimista, si aynaan lumin guulahawaxaan gaarnay, ayuu yiri Willian Ruto.

Ruto wuxuu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay isku dayeyso in ay dib isku soo dhisto ka dib markii ay bilaabatay ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), si ay masuuliyadda amniga ugu wareejiyaan ciidamada amniga ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya ayaa hadalkaasi ku sheegay wareysi uu siiyey Telefishinka France 24, waxa uuna wacad ku maray inay ka hortagi doonaan Kooxaha Argagaxisada.

Kooxdan Alshabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka geysanayaan dalka Kenya, iyadoo ay soo cusboonaadeen weeraro ay ku dhinteen in ka badan 30 qof bishii la soo dhaafay oo kaliya meel u dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa ka dhacday Lamu habeenkii Sabtida halkaas oo shan qof lagu dilay weerar ay ka dambeeyeen kooxda Alshabaab.

ATMIS ayaa bilaabay in ay hoos u dhigaan ciidamadooda iyadoo Dowladda Kenya ay sheegtay inay ka cabsi qabto in kooxda Alshabaab ay la wareegto qaar ka mid ah meelaha ay baneeyaan ciidamada ATMIS.