7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 26, 2023
Wasiir Juxa : Isimadu kaalintii looga baahnaa kama qaadan qabashada cidda qalaalasaha ka wadda Garowe
 

Isniin, Juun, 26, 2023 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa ku dhaliilay isimada gobolka Nugaal in aysan qaadanin doorkii ku aadanaa inay qabtaan cidda kasoo horjeeda doorashada ee uu sheegay inay qalaalasaha ka wadaan Garowe.

Wasiir Juxa waxa uu sheegay inay albaabada ku gargaraaceen isimada maalintii doorashada dhacaysay, si ay wax uga qabtaan cidda Garowe kahor is taagsan iney doorashada ka dhacdo.

“Geed dheer iyo mid gaaban ba waan u kordhay in aysan dhibaato dhicin. Ma aysan suurto galin inay isimadu dadka kala dhex galaan, oo qabtaan cidda qaldan. Taas waa arrin aan kaa xunnahay in kaalintii loo baahnaa oo isimadu xilligii qabashada lahayd oo digniinta lahayd aysan ugu baraarugin,” ayuu yiri wasiir Juxa.

Juxa wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin in ay dood ka galaan wax kaste oo la tuhmayo oo ku saabsan arrimaha doorashada. Laakiin wuxuu sheegay in aysan suurtagal ahayn in wax ka dhaxeeya Puntland loo dhigto isbaaro.

Juxa waxa uu sheegay cidda dhibaatada wadda Garowe inay yihiin afar wiil oo ilmo adeer ah oo uu sheegay inay doonayaan inay afduubtaan masiirka ummadda reer Puntland.