7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 26, 2023
Munaasabadda 26-ka Jun oo xalay si weyn looga xusay Magaalada Laas-caanod ee xarunta Gobolka Sool
 

Isniin, Juun, 26, 2023 (HOL) - 15 sanno kaddib ayaa xalay markii ugu horeeysay Munaasabadda Xuska 63-sanno guuradii kasoo wareegtay markii Gobollada waqooyi ay Xorrimada ka qateen Guumeystihii Ingiriiska, lagu qabtay Magaalada Laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Munaasabadda oo ay kasoo qeyb galeen Maamulka Gobolka Sool, Garaado, Waxgarad, siyaasiyiin, Dhallinyaro, Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa ka qabsoontay xarunta Maamulka  SSC ee Magaalada Laascaanood.

Qaar kamid ah Siyaasiyiintii iyo Isimada dhaqanka ee Madasha ka hadlay, ayaa sheegay ay ahmiyad gooni ah u lee dahay in Magaalada Laas-caanood laga taago Calanka Buluugga ee Soomaaliya muddo 15-sanno kaddib, waxa ay hoosta ka xariiqeen in ay ka shaqeyn doonaan midnimada Soomaaliya.

Sidoo kale Maayarka Magaalada Laas-caanood Cabdiraxmaan Cali Ismaciil, oo Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in uu u Hambalyeynayo ummada Soomaaliyeed maalinta qiimaha badan ee ay xorrimada ka qateen Gumeystihii ingiriiska, waxa uuna tilmaamay in ayaga ay ahayeen dadkii ugu horeeyay ee ka shaqeeyay in Ummada Soomaaliyeed in ay noqoto dal xor ah oo u madax banaan.

 “Caawa wa habeen qiimo badan 15-sanno baa is qaldan loo isticmaalayay ama si gurac ah loo xusayay xuska 26-ka Jun oo Somaliland ay gacanta ku heysay Laas-caano, balse si Xor ah oo aan waxba laisku qaldin ayaa Caawa Calanka Buluugga ee Soomaaliya, looga taagay Laas-caano, alle ayaa ku mahadsan, waxaana reer Laas-caanood ee Reer SSC lee yahay sidii aan ugu istaagnay Xorrimada Soomaaliya markii hore aan hadda hormuud uga sii ahaano” ayuu yiri Maayarka Magaalada Laas-caanood Cabdiraxmaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee maanta ka heleyno Magaalada Laas-caanood ayaa sheegaya in boqolaal qof ay Magaalada isugu soo baxeen kuwaas oo u dabaal deggaya Munaasabadda Xuska 26-ka Jun waxaana dadka Intooda badan ay maanta xiran yihiin dhar laga tolay midibka Calanka Buluugga ee Soomaaliya.

Sikastaba marka laga soo tago Munaasadda xalay ka qabsoontay 15-sanno kaddib Magaalada Laas-caanood, waxaa dhicana kale magaalada ka jira Xiisad dagaal u dhaxeysa Soomaaliland iyo SSC, iyada oo Xusid mudan tahay in dagaalka labada dhinac magaalada ku dhexmaray uu galaaftay boqolaal qof halka kuwo kalana ay wali dhaawacyadi kasoo gaaray la jifaan Isbitaalada.