7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 26, 2023
Aadan Madoobe: Waa nasiib darro in xuska 26 june uu kusoo aaday iyadoo dalku meel badan dhiig ku daadanayo
 

Isniin, Juun, 26, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay iyadoo lagu jiro maalmaha xorriyada in meelo badan oo dalka ah ay ku daadanayaan dhiig.

“Waxaan runtii aad uga xumahay in dalkeenna weli ay ka taagan tahay colaad, yacni argigixisada ka sakow, in xitaa gobolada qaarkood weli dhibaato ka taagan tahay oo dhiig shacabka Soomaaliyeed arrimo siyaasadeed iyo arrimo qabyaaladeed loo daadinayo,” ayuu yiri guddoomiye Aaan Madoobe.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu u guntado sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka taagan qeybo badan oo dalka ah, si loo joojiyo colaadda uu dhiiggu ku daadanayo.

Aadan Madoobe wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay caddaalad garsoor, caddaalad siyaasadeed iyo caddaalad maamul, si buu yiri looga gudbo dhibaatooyinka dalka ka aloosan.

Hadalkan ayuu guddoomiyaha baarlamaanka ka sheegay xafladda xuska sanad guurada 63aad ee kasoo wareegtay markii ugu horreysay oo ciidda Soomaaliya laga taago calan gumaystihii kaddib.