7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 25, 2023
Al-Shabaab oo shan qof ku gowracay weerar ka dhacay deegaanka Lamu ee Kenya
 

Axad, Juun, 25, 2023 (HOL) - Ugu yaraan shan qof ayaa lagu gowracay, guryo badanna waa lagu gubay weerar ay kooxda Al Shabaab ku qaadeen tuulooyinka Salama iyo Juhudi oo ka tirsan qeybta Mkunumbi ee gobolka Lamu ee dalka Kenya.

Goobjoogayaal iyo booliiska ayaa sheegay in kooxaha weerarka geystay ay abbaare 7:30 fiidnimo ee sabtidii xalay soo weerareen tuulooyinkaas, iyagoo ka soo jiiday dadka la laayay guryahooda iyagoo gacmaha iyo lugaha isugu xiran ka hor inta aan la dilin.

Dadka ku dhintay weerarka ayaa dhamaantood rag ahaa, waxaana ku jiray arday 19 jir ahaa.

Kooxaha ammaanka ee ismaamulka Lamu ayaa daqiiqado ka dib u soo gurmaday goobta uu dilku ka dhacay, balse ma jirto cid loo soo qabtay.

Guddoomiyaha kowntiga, Louis Rono ayaa sheegay in uu ka war hayay weerarka tuulada Salama balse ma sheegin tafaasiil dheeri ah.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee ka dhacda deegaankaas iyadoo ay socdaan dadaalo wax looga qabanayo khatarta argagixisada.