7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 25, 2023
Madaxweyne Deni oo sameeyay magacaabistii ugu ballaarnayd
 

Axad, Juun, 25, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaacaabay masuuliyiin cusub, halka kuwa kalena uu shaqada ka eryay.

Isbeddelka ugu weyn ayuu madaxweyne Deni ku sameeyay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha.

Wuxuu agaasimayaal cusub u magacaabay maaliyadda, maaraynta masiibooyinka, xanaanada xoolaha, arrimaha gudaha, amniga, qorshaynta, deegaanka, beeraha iyo  kalluumaysiga.

Madaxweyne Deni wuxuu beddelay guddoomiyihii gobolka Nugaal iyo taliyihii qeybta booliiska gobolka Nugaal. Wuxuu sidoo kale magacaabay saraakiil ciidan iyo la taliyayaal.

Badi sakhsiyaadka uu xilalka u magacaabay madaxweyne Deni waxay deegaan ahaan  kaasoo jeedaan gobolka Nugaal ama Garowe. Waxaa loo arkaa in madaxweyne Deni uu doonayo inuu isaga  yareeyo culayska siyaasadeed iyo midka amni ee kaga furan magaalada Garowe, halkaas oo siyaasiyiinta kasoo jeeda ay ka hor yimaadeen qorshihiisa doorashada iyo furista dastuurka

Madaxweyne Deni waxa uu wareegtooyinkan xilalka kaga xayuubiyay shakhsiyaad uu ku tuhmayo inay xiriir dhow laleeyihiin siyaasiyiinta ay iskasoo horjeedaan, kuwaas oo markii hore saamayn ku lahaa magacaabista shakhsiyaadka hadda la eryay.

Magacaabiddan ayaa kusoo aaday xilli muddo xileedka madaxweyne Deni uu gabagabo yahay, islamarkaana uu Garowe ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo gaaray gacan ka hadal.