7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 25, 2023
Somaliland oo sheegtay in ciidamada Puntland iyo kooxo argagixiso ahi ay soo weerareen ciidankeeda
 

Axad, Juun 25, 2023 (HOL) - Somaliland ayaa ciidamada maamulka Puntland, kooxo argagixiso ah iyo kooxo nabad diid ah ku eedaysay in ay shalay weerar ismiidaamin ah kusoo qaadeen ciidankeeda, sida wasaarada gaashaandhigu warsaxaafadeed ku sheegtay.

"Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland waxay cambaaraynaysa weerarada aan loo meel dayin ee waxashnimada ah ee ay ciidanka qaranka ee Sool ku soo qaadeen ciidamada maamulka Puntland ee Soomaaliya, argagixisada iyo kooxaha nabad diidka ah" ayaa lagu yidhi warsaxaafadeeda.

Warsaxaafadeeda ayaa lagu sheegay in Puntland ay qalalaasihii Laascaanood si kale uga faa'iidaysanayso si ay waji kale ugu yeesho, isla markaana kooxo argagixiso ah iyo kuwo nabad diid ah loo isticmaalayo waxyeelaynta nabada Somaliland.

Wasaarada gaashaandhigu waxay sheegtay in lagu qasbay in ay ka jawaabto weerarada, iyada oo ilaalinaysa badqabka ciidankeeda, jiritaankeeda iyo xuduudaheeda, isla markaana bad qabka shacabku ay u tahay muhiimada kowaad.

Beesha caalamka ayay u baaqday in ay ka jawaabto oo ay cambaarayso weerarada ay sheegtay in maamulka Puntland masuul ka yahay, si loo helo gobol nabad ah.

Dhinaca kale, SSC-Khaatumo ayaa dhankooda Somaliland ku eedeeyay in ay masuul ka ahayd weerarada shalay dhacay, oo ay duqayn aan loo meel dayin la beegsadeen magaalada Laascaanood.