7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 25, 2023
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukun ku riday Sadax Askari oo katirsan ciidanka dowladda
 

Axad, Juun, 25, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukuno ku riday seddax askari oo la sheegay iney kaalin kala duwan ku lahayeen faafinta Muuqaal internet lagu baahiyay oo muujinaay wiil dhalinyaro ah oo qaba baahiya gaarka oo ay jirdilayaan askar ka tirsan ciidanka dowladda.

Maxamed Axmed Maxamuud oo loo yaqaano Carab ayaa lagu arkaayay Muqaalka isagoo jirdil ka baxsan Bini’aadanimada u gaysanayo wiilka dhalinyarada ah oo sida la sheegay ahaa askari hore oo baahiyaha gaarka ah qabay oo adeeg u doontay Xafiiska Taraafikada, waxaana Carab lagu xukumay Seddax sano oo xabsi ciidan ah iyo Feer Celin.

Waxaa sidoo kale Maxkamada ay xukuno min laba sano oo xabsi ciidan iyo Feer Celin ah ay ku riday Axmed Xasan Cadaawe oo ahaa madaxa Camerada CCTV iyo Cabdullaahi Abuukar Cariif oo ahaa ninka baraha Internetka ku faafiyay muqaalka.

"Waxa ay awoodi kareen in ay la wadaagaan muuqaalka hay’adaha ku shaqada leh CID iyo Xeer Ilaalinta Ciidamada balse badalkeed waxa ay doorteen ceebaynta Qaybta ilaalada Nabad Galyada Waddooyinka" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maxkamada ciidamada qalabka Sida.

Guddoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqay xukunka sadaxda askari ayaa sheegay in fursad ay wali u haystaan ragaan iney qaataan racfaan hadii aysan ku qanacaanen xukunka maanta lagu riday.