7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 18, 2023
Faahfaahin ku saabsan safarka madaxweyne Xasan Sheikh uu ku tagay magaalada Jowhar
 

Talaado, Luulyo, 18, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta socdaal gaaban oo aan la faahfaahin ku tagay magaalada Jowhar, inkastoo uusan madaxweynuhu dhaafin garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Madaxtooyada Soomaaliya weli illaa iyo hadda kama aysan hadlin safarka madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu ku tagay Jowhar, wuxuuna safarkiisa kusoo aaday xilli maamulka Hirshabeelle uu ka taagan yahay khilaaf ka dhashay xil ka qaadistii guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Afhayeenka warfaafinta madaxtooyada Hirshabeelle, Daa’uud Xaaji Cirro ayaa sheegay in socdaalka madaxweyne Xasan Sheikh uu ku tagay magaalada Jowhar uu yahay u diyaar garowga wajiga 2-aad ee howlgalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab, kaasoo maalmo dhow bilaaban doono.

Afhayeenka wax intaas ka badan oo faahfaahin ah ma bixin, hase ahaatee waxaa jira warar madax bannaan oo kale oo ku saabsan safarka madaxweynaha ee Jowhar.

Wararka aan helnay waxay sheegayaan in madaxweynuhu kala hadlay madaxda Hirshabeelle, Xiisadda siyaasadeed ee ka jirta maamulka Hirshabeelle, taas oo ka dhalatay xil ka qaadistii guddoomiyahii hore ee gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa kala hadlay madaxweynaha Hirshabeelle colaad-beeleedyada kasoo cusboonaaday gobolka Shabeellada dhexe, colaaddaas oo soo noqnoqotay, welina xal loo la'yahay.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa horey ugu guuldaraystay inuu khilaafka ka jira gobolka Hiiraan ku xalliyo Muqdisho, kaddib markii guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan uu diiday inuu tago Muqdisho oo looga yeeray.

Madaxweynaha oo la filayo inuu maalmaha soo socda u safro Galmudug, si uu u dardar galiyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, lama hubo inuu sidoo kale tagidoono gobolka Hiiraan, oo xaalad cakirani ay ka jirto