7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 18, 2023
Xisbiga UCID oo kasoo horjeestay go'aankii Guddida Doorashooyinka Somaliland

Talaado, Luulyo, 18, 2023 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID ayaa si buuxda uga soo horjeestay go'aankii ay guddida doorashooyinku ku mudeeyeen wakhtiga la qabanayo doorashooyinka madaxweynaha iyo ururada.

Warsaxaafadeed uu soo saaray xisbiga UCID, ayaa lagu sheegay in go'aankii guddida doorashooyinku uu ahaa mid sharci daro ah, isla markaana anay sinaba u aqbali doonin.

"Guddida fulinta ee xisbiga UCID waxa ay go'aamisay in go'aankii kasoo baxay garabka Muuse Biixi ee Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka ee ku taariikhaysnaa 17/7/2023 anay si naba u aqbalin go'aanka sharcidarada ah ee waxba kama jiraan ka ah" ayaa lagu yidhi warsaxaafadeeda.

Waxa uu xisbigu sheegay in guddidu ay iska indhotirtay doorashadii sharciga ahayd ee madaxtooyada, isla markaana ay ku dhawaaqeen doorasho aan lahayn xeerarkii lagu gali lahaa, sida qoraalka xisbiga loo dhigay.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeeda oo faah faahsan:-