7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 18, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo goordhaw gaaray magaalada Jowhar

Talaado, Luulyo, 18, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  iyo waffi ui hoggaaminaayo ayaa goordhaw ka degay garoonka diyaaradaha magaalada jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen madaxweynaha Hirshabeelle iyo qaar ka mid ah bulshada reer Jowhar.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu halkaas kulan kula qaato madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuuseen.

Ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay iney la xariirto xal u helida khilaafka ka taagan maamulka Hirshabeelle iyo sidii wax looga qaban lahaa dagaal beeleedyada kusoo laablaabtay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxaa sidoo kale safarka madaxweynaha uu ku tagay magaalada Jowhar ka mid ah dardar galinta wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo la filayo in dhawaan uu si rasmi ah u bilaawdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu safaro kale ku tagi doono deegaano ka tirsan furimaha hore ee dagaalada ka socdaan ee deegaanada maamulka Galmudug.