7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 18, 2023
Xisbiga Waddani oo sheegay in go'aanka guddida doorashooyinku uu dhaawacayo Somaliland
 

Talaado, Luulyo, 18, 2023 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa kasoo horjeestay go'aankii ay guddida doodashooyinku ku mudeeyeen wakhtiga la qabanayo doorashooyinka ururada iyo madaxtooyada.

Xogeeyaha Guud ee Xisbiga Khadar Xuseen Cabdi, oo warbaahinta la hadlay ayaaa sheegay in go'aanka guddidu uu dhaawaci doono Somaliland.

"Somaliland waxa ay ku jirtaa marxalad aad iyo aad u adag, go'aanka ay soo saareena waa mid keeni kara dhaawac anay Somaliland kasoo kaban, sidaas daraadeed xisbigu waxa uu si mugleh uga tashanayaa go'aankii uu qaadan lahaa" ayuu yidhi Xogeeye Khadar.

Waxa uu sheegay in xisbigu uu la tashan doono taageerayaashiisa, ururada bulshada iyo cidii ay khusayso isla markaana uu musharaxa xisbigu ku dhawaaqi doono go'aanka rasmiga ah ee xisbiga uu ka qaatay go'aanka guddida.

Go'aanka guddida doorashooyinka ayaa ka horyimid doonistii xisbiyada mucaaradka ee ahayd in doorashada madaxtooyadu soo horayso, dhinaca kale ururada cusub ee siyaasada ayaa soo dhaweeyay go'aanka guddida.