7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 15, 2023
Odayaashii reer Muqdisho ee isku xilqaamay xalinta colaada Laascaanood oo maanta Hargaysa ka dhoofay
 

Sabti, Luulyo, 15, 2024 (HOL) - Odayaal Dhaqameed muddo saddex billood ah Hargaysa u joogay xal u helista colaada Laascaanood, ayaa maanta dib Muqdisho ugu laabtay.

Odayaashan oo hore uga soo kicitimay magaalada Muqdisho ayaa muddo bilo ah Hargaysa u joogay sidii ay xal ugu heli lahaayeen colaada ka taagan magaalada Laascaanood, waxayna kulan sagootin ah Khamiistii la yeesheen madaxweynaha Somaliland.

Odayaashan ayaan warbaahinta la hadal intii ay Somaliland ku sugnaayeen, waxayna kulamo aan warbaahinta loo soo bandhigin la yeesheen bahda dhaqanka Somaliland ee dhan kooda ka shaqaynaysa joojinta colaada.

Madax dhaqameedkan ayaa noqday iyaga oo aan ku guulaysan howshii joojinta colaada ee ay Hargaysa u yimaadeen, waxaana la filayaa in ay beesha caalamka iyo dowlada Soomaaliya dib war ugu celiyaan.

Odayaasha ayaa hore safar ugu tagay magaalada Laascaanood, halkaasi oo ay kula kulmeen garaadada deegaanka ee Somaliland kasoo horjeeda.