7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 15, 2023
Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku burburiyay Keyd kala duwan oo Al-shabaab ku laheyd deegaanka Budbud
 

Sabti, Luulyo, 15, 2024 (HOL) - Ciidamada Kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliya ayaa howgal qorsheysan ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud oo fariisimo ku lahayeen kooxda Al-shabaab.

Taliyaha Guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska Danab Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ciidanka ay howlgalka ku burburiyeen keyd kala duwan oo kooxdu ku laheyd deegaankaas.

"Ciidanka ayaa intii ay hawlgalka wadeen waxay ku burburiyeen goobo ay ku kaydsanaayeen Sunta iyo Alaadaha kale ee walxaha qarxa ay ka sameeyaan Khawaarijta iyo goob kale oo Hub ugu keydsanaa" ayuu yiri Taliyaha Guutada 16-aad ee Ciidanka kumaandooska Danab Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare.

Deegaanka Budbud ayaa ka mid ahaa deegaanadii horay looga saaray Ururka Al-shabaab, hayeeshee waxay gacantooda dib ugu laabatay markii ay deegaankaas soo baneeyeen ciidanka dowladda Soomaaliya.