7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 15, 2023
Guddoonka labada Aqal oo Guddiga dib u eegista Dastuurka ku wareejiyay Nuqulada heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka
 

Sabti, Luulyo, 15, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay qodobadii kasoo baxay heshiiskii ay gaareen madasha Wadatashiga Qaranka oo ay xukuumadda usoo gudbisay golaha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa waxay  Guddiga Dib u Eegista, La-socodka iyo Hirgelinta Dastuurka ku wareejiyeen nuqulada heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran.

Xildhibaan Xuseen iidoow oo ah guddoomiyaha Guddiga dib u eegista la-socodka iyo hirgelinta Dastuurka oo guddoomay Nuqulada heshiiskii madasha wadatashi qaran ayaa sheegay iney si deg deg ah uga howl gali doonaan howlaha dib u eegista Dastuurka.

"Waxaa Maanta maanta nagu wareejiyeen Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka nuqulada heshiiskii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran 27-kii bishii May ee sanadkaan, kaasoo aan deg deg uga howlgeli doono" ayuu yiri Xildhibaan Xildhibaan Huseen Iidow.

Guddoonka labada aqal ayaa Guddiga waxay kula dardaarmeen in ay luuqad dastuur kusoo qoraan isla markaana horkeenaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana guddiga ay guddoomeen nuqulada heshiiskii Madasha Wada-tashiga Qaran.