7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 15, 2023
Dowladda Kenya oo wacad ku martay inay si toos ah ula tacaali doonto weerarada Alshabaab
 

Sabti, Luulyo, 15, 2024 (HOL) - Wasiirka Difaaca dowladda Kenya Aaden Barre Ducaale ayaa sheegay in ciidamada Kenya iyo kooxaha kale ee ammaanka ay la tacaali doonaan dhaqdhaqaaqyada Alshabaab, si loo xaqiijiyo in dhulka Kenya uu ahaado mid ammaan ah.

Waxa uu u digay Alshabaab, waxa uuna xusay in aan la ogolaan doonin in ay ku dhiirradaan falalka argagixiso ee ka dhaca dhulka Kenya.

“Maleeshiyaadku waa in aysan gabaad ka helin Kenya marka laga soo saaro Soomaaliya. Ciidamada Kenya iyo kooxaha kale ee amniga waa ay ka feejigan yihiin oo u adkeysanayaan in ay hoos u dhigaan falalka argagixisada la xiriira,” Wasiir Ducaale ayaa sidaas sheegay.

Waxaa uu ballan qaaday in wasaaraddiisu ay sii wadi doonto kor u qaadida awoodda Ciidanka Difaaca Kenya, si ay u helaan hub casri ah oo kor loogu qaadayo awoodda ciidanka, iyo in ay awood u siiso milatarigu in ay la dagaallamaan khataraha amni ee kooxda Alshabaab.

Gobolka Waqooyi Bari iyo qeybo ka mid ah xeebta ayaa waxaa ku soo badanayay weerarada ay geysanayaan kooxda Al Shabaab, kuwaasi sameeyay weeraro dad badan lagu laayay, lagu gubay hanti, iyo waliba dad qoorta laga gooyay.