7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 9 , 2023
Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun adag ku riday nin haween badan ku kufsaday Sixir iyo turufo

Arbaco, Agoosto, 9, 2023 (HOL) - Maxkamada gobolka Banaadir ayaa Maanta 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay nin oday ah oo lagu helay eedo la xariira inuu Sixir iyo turufo uu adeegsaday ku kufsaday haween badan oo qaar kood la qabo.

Ninkaan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Xasan Shooble oo 52 sano jir ah ayaa la sheegay inuusan ku ekeen kufsi kaliya oo uu haweenka qaar kood ka duubay muuqaalo anshax xumo ah.

Maxkamada gobolka banaadir ayaa baaritaan dheer kadib ku heshay in ninkaan uu galay sadex ka mid ah dambiyada lagu soo eedeeyay oo ay kamid ahaayeen inuu adeegsaday Sixir iyo turufo, islamarkaana uu haweenka sidaas ku kufsaday kana duubay muuqaalo anshax xumo ah.

Eedeysane Maxamed Xasan Shooble ayaa Maxkamadda horteeda ka qirtay inuu geestay dambiyada qaar ee lagu soo eedeeyay.

”Mudane xeer ilaaliye aniga iyo ayada baabuurka mana iskula hadlin mana isku gacan qaadin, sida doraad ay sheegeysay ma jirto, marka aan baabuurka ka degtay ee aan dhulka degnay ayuu hadalka bilowday, sida Ilaahey ila ogyahay” ayuu yiri eedeysanaha la xukumay Maxamed Xasan Shooble.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa eedeysane Shooble kusoo eedeeysay inuu si gaar ah u beegsan jiray dadka dhibanayasha ah ee Muqaaladooda lagu baahiyo baraha bulshada uu ka faa'ideysan jiray isaga oo sixir adeegsanaya.

Maxkamadeynta ninkan oo soo socotay in mudo ah oo ay makaxmadddu ka yeelatay ilaa saddex fadhi oo kala duwan, islamarkaana la horkeenay maxkamada qaar ka mid ah dhibanayaasha, marqaatiyaal ay ka mid yihiin ehelada dhibanayaasha ayaa halkaasi lagu soo bandhigay cadeymo dacwadda eedeyaanaha ku filan inta ay howsha dacwadda socotay.

Gabagabadii guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Dabaan ayaa ugu dambeyn ninkan lagu helay saddexda dambi ku riday xukun 10 sano oo xabsi ah oo ka dhalatay saddexda dambi ee maxkamadda ku heshay ninkaan.